|
Baydhabo, (insidesomalia.org) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ah Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo Saxaafadda kula hadlay Maanta Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku sugan yihiin shisheeye u dagaalama xoogaga ka horjeeda siyaasada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.
Sheekh Aadan Madoobe, wuxuu daboolka ka rogay in dagaalkii dhawaan ka dhacay Bardaale ay ku dhinteen laba qof oo mid uu caddaan ahaa iyo mid madow ah kana soo jeeda Dalalka Afrika.
"Ciidamada Dowladda ee dhawaan la soo tababay ayaa inoo sheegay arrintaas, iyadoo Ciidamadu ay sheegeen in ay isku dayeen in ay Ninka cadaanka ah ay qabtaan, balse markii la hareereeyay uu bam isku qarxiyay" ayuu Aadan Madoobe u sheegay saxafiyiintii ka qaybgalay shirkiisa jaraa'id.
Guddoomiyaha Baarlamaanku wuxuu sheegay in markii ay Maxkamaduhu kula dagaalameen Baydhabo iyo hareeraheeda ay jireen rag shisheeye ah oo dagaalamayay, balse uusan xiligaan is lahayn waxaa jooga shisheeye oo dagaalka uu u dhexeeyo Soomaalida oo qura.
Mar uu ka hadlay Ciidamada cusub khasaarihii ka gaaray dagaalkii Bardaale ayuu ku sheegay in looga dilay hal askari qof shacab ah oo gaadiidka ay saarnaayeen mid ka mid ah lahaana uu dagaalka ku dhintay, balse aysan jirin khasaare kale oo Ciidamada gaartay.
Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku boorriyay Sheekh Aadan Madoobe in ay Mushaaraadka askarta xil iska saarto, isla markaana aysan howlgelin inta Mushaaraad looga helayo, isagoo shaaciyay in haddii la howlgeliyo ay dhici karto in ay kala tagaan.
|